Nairobi(AGGM)Shirkadaha Taleefoonada ee ka howlgala Dalka Kenya ayaa waxa Digniin culus ay kaga timid dowlada Dalkaasi, kadib markii la ogaaday in ragii weeraray suuqa Westgate ay isticmaalayeen Taleefoono aan la diiwaan galinin.
Guddiga warfaafinta Dowladda Kenya ee CCK ayaa carabka ku dhufatay in la xeri doono madaxda Shirkadaha hadii lasoo qab qabto dad isticmaalaya Taleefoono aan sharci aheen.
Madaxda Shirkadaha Digniinta loosoo jeediyay ayaa waxa kamid ah Shirkadaha Taleefoonadda, Safaricom, Airtel, Telkom, iyo YU.
Digniintan ayaa soo baxeysa kadib markii Booliska dalka Kenya uu soo saaray baaritaanno kadib in raggii weerarka ku qaaday westgate Mall ay isticmaalayeen sim card-yo aan diiwaan gashisanenyn.
Guddiga warfaafinta dalka Kenya ee CCK ayaa sheeegaya in baaritaanno kadib ay ogaadeen in ay jiraan dad isticmaala taleefoono aan la diiwaan galinin, waxa ayna carabka ku dhufteen in la xeri doono madaxda shirkadahaasi hadii ay xadidiwaayaan Shirkadahooda.
Ugu dambeyntii CCK ayaa sidoo kale ugu baaqeysa haatan Shirkadaha taleefoonada dalka Kenya in ay haatan hawada ka saararaan Teleefoonada aan diiwaan gashisaneyn,Waxaana dawlada kiiniya shaacisay shirkadii sameyn waday arrintaasi in lagala noqon doono shatiga shaqada ayna la kulmi doonto ganaax xoogan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com