Muqdisho (AGGM): Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka doodaan hishiis ay dowladda Soomaaliyeed la gashay shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga oo dhawaan la wareegtay maamulka garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cabdulle.
Mudanayaasha baarlamaanka oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta gollaha shacabka ayaa la sheegay in uu ajandihiisu yahay in ay xildhibaannada ka doodaan qodobada hishiiska dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda FAVORI ee dalka Turkiga oo shalay xildhibaanada loo qaybiyey.
Waxaa la filayaa in fadhiga baarlamaanka maanta oo tago ama uu gaaro wasiirrka warfaafinta,isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo xildhibaannada uga jawaabi doona su’aalaha ay ka qabaan heshiiska dhexmaray xukuumadda Soomaaliya iyo shirkadda Favori ee dalka Turkiga.
Mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Max’ed Iidle Geedi ayaa sheegay iney maanta baarlamaanku ka doodayo heshiiska ay dowladdu la gashay shirkadda Turkiga ee lagu wareejiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii, xildhibaanka ayaa sheegay in shirkadii hore ee SKA ay ahayd shirkad aan u adeegeen danaha ummadda Soomaaliyeed wuxuuna soo dhaweeyey tallaabada ay dowladda Soomaaliya uga wareejisay maamulka garoonka,xildhibaanada ayaa la filayaa iney cod u qaadaan heshiiska.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com