Baaritaano Ka Socda Magaalada Baledxaawo Kadib Qarax Ka Dhacay.

0

BALAD-XAAWO-IYO-SUUQ-GUBTAY1Baledxaawo (AGGM): Ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa howlgal amaanka lagu xaqiijinayo ka wada magaalada Baledxaawo ee gobolka Gedo.

Baaritaanka waxa uu ka dambeeyay kadib markii xalay uu qarax ka dhacay Maqaayad ku taalla magaalada oo ay fadhiyeen mas’uuliyiin iyo ciidamo taabacsan dowladda iyo Ahlu Sunna.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen  qaraxa sidoo kalana ay ku dhaawacmeen 5 kale oo uu ku jiro Taliyaha saldhiga booliska degmada Baledxaawo.

Wali macadda in dad lagu qabtay baaritaanada ay ciidamada sameeyeen iyo in kale iyo sidoo kale cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka inkastoo lala xiriirinayo Al shabaab.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com