War Deg Deg Ah: Qarax Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Degmada Beledxaawo

0

war-deg-deg-ahBeledxaawo(AGGM) Waxaa hadda bartamaha Magaalada Beledxaawo ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo soo gaaray ciidamo lala beegsaday qaraxaasi,waxaana la sheegaya inuu qaraxaasi ahaa nooca dhulka la galiyo isla markaasna lala beegsaday gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Ahlusuna waljameeca ee gobolka Gedo.

Wararka horudhaca ah ee Warbaahinta Allgalgaduud ka helayso Magaalada Baladxaawo ayaa shaacinaya inuu qaraxaasi sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar ka tirsan Ciidamada Ahlusuna waljameeca ee degmada Baladxawo,waxaana la sheegaya in dhawr askari ay qaraxasi ku geeriyoodeen iyadoo kuwa dhawaca ah lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Magaalada Baladxaawo.

Qaraxyadan noocan oo kale ah waxaa inta badan degaanada Soomaaliya ka fuliya Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta koonfurt dalka Soomaaliya,waxaana la aaminsan yahay inuu qaraxaasi yahay mid lala damacsana in lagu waxyeelooyo Ciidamada Ahlusuna waljameeca ee Gobolka Gedo kuwaasi oo gobolkaasi ka faro maroojiyey Alshabaab intiisa badan.

Ugu dambeyntii Ciidamada Ahlusuna Waljameeca iyo kuwa dawlada Federaalka ah ayaa baaritaano dheeri ah ka wada gudaha Magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo,waxaana la sheegayaa inay qaraxaasi dhawr ruux u soo qabqabteen walow aan si rasmi ah loo ogeyn inay yihiin dadkii qaraxyadaasi fuliyey iyo in kale.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com