Leicester (AGGM): Shir balaaran oo ay isugu yimaaday Jaaliyada Galgaduud iyo Jubooyinka ayaa wuxuu ka dhacay magaalada Leicester ee carriga Ingiriiska, kulankaas oo ay kasoo qayb galayn bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay kamid ahaayeen odayaal, aqoonyahanno, ganacsato, hooyooyinka iyo qaybo kale oo badan.
Kulankaan ay Jaaliyadda isugu timid ayaa ahaa mid ay midnimo ku muujinayeen kagana tashanaayeen hormarka Gobolada Galgaduud iyo Jubooyinka. Kulankaan oo saacado badan socday ayaa jawigiisu wuxuu ahaa mid heer sare ah lagana dheehan karayay isku dhawaanshaha Jaaliyada Galgaduud iyo Jubooyinka waxayna dadki meesha ka hadlay aad uga hadleen muhiimadda ay leedahay mdinimada iyo dhaxalka ay leedahay.
Kulankaan ayaa ahaa mid ay si wada jir usoo qabanqaabiyeen Guddiga magaalada Leicester, Ururka haweenka iyo Ururka dhalinyarada.
Sannadadi ugu dambeeyay ayaa ahaa kuwo ay Jaaliyada Galgaduud iyo Jubooyinka soo hoyiyeen waxtar badan oo uu kamid ahaa dhamaystirkii Garoonka Caalamiga ee Caabudwaaq halkaas oo ay diyaaradahu haatan si joogta uga dagaan afar jeer isbuuci. Sidoo kale waxaa dhawaan xariga laga jari doonaa oo dhismo ku socdaa Garoonka Caalamiga ee Garbahaarey.
Leicester, UK
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com