Daawo Sawirada : Arday Soomaaliyeed Oo Ka Qalin Jabiyay Jaamacado Kala Duwan Oo Ku Yaal Wadanka Malaysia.

0
5Kuala Lumpur Malaysia, 07 Oct 2010– sida aan la socono wadanka malaysia waxaa wax ka barta arday fara badan oo sommaliyeed, marka laga reeba wadanka sudan oo ah wadanka ugu badan ee arday soomaaliyeed wax ka bartaan, halka wadanka malaysia uu yahay wadanka labaad ee ugu badan ee soo saaro arday soomaaliyeed.

Sanadkasta waxaa jaamacadaha Malaysia ka qalinjibiya arday soomaaliya oo gaaraya ilaa 300 celcelis ahaan.

Hadaba bishii September ee na dhaaftay & bishaan October ee sanadkaan ayaa waxaa Jaamacadaha wadanka Malaysia ka qalinjibiyay arday soomaaliyeed oo aad u tira badan, ardaydaas oo ku dhaw ilaa 100 arday, ardaydaan soomaaliyeed ayaa badankood ka kala qalin jabiyay jaamacado kala duwan sida:-

Universiti Tun Hussein Onn Malaysia (UTHM), 

Universiti Malaya (UM), 

The Global University for Islamic Finance (INCEIF)        iyo

Selangor International Islamic University College (KUIS), 

waxaana ardayda qalanjibisay sanadkaan waxaa ka mid ah arday soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Abdirashid Mumin (ugaas) oo noqday ardayga ugu wanaagsan ama ugu darajo sareyay Jaamacada UTHM celcelis wadareedka natiijada imtixaanka, waxuuna jaamacada UTHM ka galay gaalinta kowaad ama First class Student,  taasoo jaamacada ku qasabtay in ay gudoonsiiso bilad qaali, taaso wax lagu faano ah in arday somaliyeed uu bilad ku helo in ka badan 2000 oo arday,

sidoo kale maalintii axada ee bisha ahayd 06 Oct 2013 ayaa xaflad aad u xiisa badan ka dhacday Permount Petaling Jaya, xafladaas waxaa qabtay Jaaliyada soomaaliyeed & qaar ka mid ardaydii ka qalin jibisay The Global University for Islamic Finance (INCEIF),  waxaana halkaas ka hadlay qaar kamid Jaaliyada soomaaliyeed ee malaysia.

dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ah Mudane Dr. Abdirahman Caymow oo ka mid ah aqoonyahanada Somaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia, in badana u soo shaqeeyay ardayda somaliyeed ee reer malaysia ayaa ku dheeraaday faaidada waxbarashada & dhiirigilinta ardayda in eey sii wataan wax barashadood, waxuuna u mahadceliyay dowlada Malaysia sida ay u siisyay fursadaan qaaliga ah ardayda soomaaliyeed.

1 3 5 6

Mohamed Abdirahman Ismail “Timo”
Universiti Malaya- Malaysia