Baarlamaanka Soomaaliya oo dib u soo ceshtay xubinimadii uu ku lahaa Baarlamaanada Caalamka

0

Golaha-wakiiladda4Muqdisho(AGGM)Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu aqoonsaday in uu xubin buuxdo ka yahay baarlamaanada caalamka oo ay ku jiraan 165 dal oo caalamka ka mid ah, waxaana ay baarlamaanka Soomaaliya ay tani u ogolaanaysa in uu ka qeyb galo shirarka heerka caalami ee ay baarlamaanada Caalamku yeeshaan.

Xildhibaan Khaalid Cumar Cali oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kuna sugan magaalada Geneva ee xarunta dalka Switzerland, ayaa radio Muqdisho u sheegay in baarlamaanka Soomaaliya maanta loo aqoonsaday in uu soo ceshtay xubin-nimadii uu ku lahaa baarlamaanka Caalamka.

Xildhibaanku waxa uu xusay in tani ay ka dambeysay dadaal badan oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu u galay sidii ay u soo ceshan lahayeen xubintii ay ku lahaayeen baarlamaanada caalamka.

“Tan iyo bishii September ee sanadkii tegay ilaa iyo hadda waxaan ku howlaneyn sidii aan ugu guuleysanlahayn ka mid ahaanshiyaha xubin buuxdo baarlamaanka Caalamka, waxaana Soomaaliya ugu dambeysay sanadku markuu ahaa 1969-kii, oo baarlamaankii xiligaasi jiray lagu biiriyay baarlamaanada Caalamka” ayuu Khaalid Cumar Cali hadalkiisa ku daray.

Dr Khaalid ayaa xusay in dib u soo cesashada xubininadii baarlamaanka Caalamka Inter Parliamentarian Union (IPU) ay Soomaaliya u tahay Guul weyn oo taariikhi ah, isagoo intaa ku daray in wixii hadda ka dambeeya ay ka qeyb geli doonaan shirarka ay yeelanayaan baarlamaanada Caalamka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu xiriir iskaashi wax wada qeybsi uu la saxiixday dowlado dhowr ah oo ay ugu dambeysay dowladda Uganda.

 Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com