Kismaayo(AGGM) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubadda hoose waxaa saaka ka dhacay qarax aad u xoogan kaasi oo la sheegay inuu ku kacay gaari nooca iska rogga ah ee ka shaqeyaa ciidda iyo dhagaxa,waxaana la shaaciyey inuu qaraxaasi ahaa nooca dhulka lagu duugo isla markaasna khasaare ka soo gaaray dad masakiin ah oo saarnaa gaarigaasi.
Qaraxan ayaa la sheegaya in lagu dhacay Xaafada Fanoole ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo uu gaarigu marayey,waxaana la sheegay in gaarigaasi uu soo gaaray burbur baahsan iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaarigaasi,waxaana la sheegayaa inay dhamantood ahayeen dad muruq maalato ahaa.
Saraakisha caafimaadka Magaalada Kismaayo oo warbaahinta Allgalgaduud uga waramay qaraxaasi ayaa daboolka ka qaaday inuu qaraxaasi ahaa mid culus isla markaasna uu dhaawacyo kala duwan soo gaarsiiyey afar ruux oo shacab ah kuwaasi oo saarnaa gaarigaasi,waxaana saraakisha caafimaadku daboolka ka qaadeen in dhaawacaas ay la tacaalayaaan daaweyntiisa.
Ugu dambeyntii qaraxyadda iyo dilalka qorsheysan ee ay Maleeshiyaadka Raaskambooni ka wadaan gudaha Kismaayo ayaa noqday kuwo aan xal loo helin iyadoo ay qaraxyadaasi la beegsadaan waxgaradka iyo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan,waxaana shacabka ku dhaqan kismaayo soo food saaray amaan darro baahsan.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com