Maxaad Ka Taqaan Bisha Oktoobar Iyo Ahmiyada Ay U Leedahay Ummada Soomaaliyeed?

0

siyad saacid iyo farmaajoBisha Oktoobar waa bil qadarin mudan maadaama ay tahay bisha aanu ugu yeerno Oktoobar Waa Tee Waa Tumma, Waa Taayadii macnaheeduna waxa uu yahay waa bil marba walba farxad galisa dadka Soomaaliyeed ayna leeyiyihiin dhamaan ummada Soomaaliyeed, waxa ayna leedahay Mudnaan gaar ah oo mudan in mar walba la xuso.

kcn321-10-1969 Maalin Talaado ah waxaa taladi dalkeena la wareegay Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo uu hogaaminayay Allaha U Naxariistee Madaxweye Maxamed Siyaad Bare waxaana dalkeena ka curtay “Kacaanki Barakeysnaa” ee ka dhidhiyay marki dalkeena uu hareeyay musuq maasuq iyo eex baahsan oo ku saleeysan hal beel oo kaliya.

Kacaanki Barakeysnaa waxa uu horumar dhan walba ah gaarisiiyay gabi ahaan dalka dadka Soomaaliyeed oo ilaa maantadan la joogo dadka Soomaaliyeed ay tabayaan waxqabadki Kacaanka.

farmaajo-dadweyne14-10-2010 maalin Khamiis ah waxaa uu madaxweynihi Dowladdi KMG ahayd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed u magacaabay Ra’iisul Wasaare dowaldda KMG ah Ee Soomaaliya Mudane Dr. Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” oo dalka iyo dadkaba ku soo kordhiyay isbadal aan horey loogu arag Ra’iisul Wasaareyaashi ka horeeyay.

Ra’iisul Wasaare Farmaajo ayaa waxa kale oo uu horseeday tilaabo aan horey loogu aqoon madaxda Soomaaliya kadib markii uu ka tanaasulay Xilkiisa isaga oo heesta taageerada shacabka Soomaaliyeed, taa oo muujineeysa tilaabada geesinimo ee uu qaatay.

saaicd talaal06-10-2013 maalin Sabti ah waxaa 22 sano kadib Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hogaaminaya dowladd aan KMG ahayn waxa uu Ra’iisul Wasaare magacaabay Mudane Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”  oo noqoday 22 sano ka dib  Ra’iisul Wasaarihi ugu horeeyay ee aan ahayn KMG, maanta oo ay taariikhdu tahay 06-10-2013-diina ay u buuxsantay Xukuumadiisa halsano oo waxqaba muuqdo iyo horumar dhan walba ah.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxa uu isaguna wax badan kaga duwan yahay Ra’iisul Wasaarayaashi hore ee dalka soo maray marki la eego dhanka Qilaafka mar walba u dhexeen jiray Madaxweynaha, Ra’iisul Wsaaraha iyo Ra’iisul Baralamaanka, taa oo ay shacabka Soomaaliyeed Ra’iisul wasaare Saacid iyo madaxda kale ee Dowladda si aad ah ugu amaaneen madaamada ay kor u qaadeen hamigi dadka Soomaaliyeed u qabeen dowladnimada maadaama aad ay u karheen isjiid jiidka Madaxda dalka.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa wax qabadkeeda waxaan ka xusi karaa.

1- Baab’inta nidaamkii 4.5 ee lagu soo dhisi jiray xukuumadahihii hore kaas oo caqabad ku noqon jirey umadda soomaaliyeed.

2- Ka qaybgalinta haweenka maamulka dalka oo markii ugu horreysay haweenku ay heleen Ra’iisul wasaare ku xigeen iyo gudoomiyaha Bangiga dhexe.

3- Soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka oo si wayn loogu guulaystay.

4- Dib u hawlgalinta bangigii dhexe ee dalka oo haatan si rasmi ah u shaqeeynaya.

5- Hirgalinta barnaamijka loogu magic daray “Dugsiyada aada” oo la doonayo in hal milyan oo caruur ah ay helaan waxbarasho lacag la’aan kaasoo laga hirhaliyay dhammaanba gobollada.

6- Dhisitaanka guddiyo qaran oo la tacaala arrimaha ammaanka, tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo waliba gudi kale oo loo saaray baaritaanka dilalka suxufiyiinta.

7- Muqdisho oo loo soo wareejiyay inta badan shirarkii Soomaalida bannaanka loogu qaban jiray iyadoo ay ka dhaceen ( Shirweynihii dib u habaynta hay’adaha garsoorka, Shirweynihii wadatashiga bulshada Soomaaliyeed iyo Shirweynihii culumida Soomaaliyeed ee ku aadanaa la dagaallanka xagjirnimida).

8- Dib u heshiisiinta ayaa kaalin muuqata dawladani ka qaadatay iyadoo sii adkaysay wadahadalladii Somaliland, waxaana guul ku dhammaaday arrimihii Jubbaland iyadoo la filayo bishan October bilowgeeda gogol nabadeed in loo fidiyo dadka nool gobolladaasi.

9- Diyaarinta shuruucdii dhisitaanka hay’adaha kala duwan ee dalka, kuwaasoo intooda badan ay baarlamaanku meelmariyeen.

10- Xakamaynta khilaafaadka soo dhex gala madaxda qaranka, si dalka looga badbaadiyo inuu dib ugu laabto ismariwaa siyaasadeed taasoo horseeday wadashaqayn aan horay loo arag oo dhexmarta hogaamiyayaasha qaranka.

11- Dib u soo celinta maamulka hawada Soomaaliya (Civil Aviation) iyo u hawlgalida dic u furida shirkadii duulimaadyada ee Somali Airlines.Intaasi waxay ahaayeen qaar kamid tallaabooyinka dawladda Soomaaliya ay sheegtay inay qaaday tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG oo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya uu soo magacaabay Ra’iisul wasaare Saacid.

12- Dawladda oo tagtey inta badan goboladda Dalka soomaaliya isla markaasna gobol kasta loogu tagay meeshiisa lagana qanciyey wixii uu tabanayey iyadoo xukumadu noqotey mid lugaheeda ku tagta gobolka kasta inta badan soomaaliya oo aysan tagi jirin Xukumadiihii hore.
   
13- Xukumadda Raisalwasaare Saacid oo hakisay Dhoofitaanadii xukumadii hore kharashyada badan ku bixiyeen ee ay dalka dibediisa soo wareegi jireen wax qabad la,aan Baahsan,Tan ay dalka aysan ka bixin wax ka badan 2 jeer oo shaqo culus ay ka soo qabatey wadamo dhawr ah.

Isku soo wada duuboo ma ay sahlana sidii dal dhan oo 22 sano ku dhawaad burbursanaa dib loogu dhiso dhamaan adeega guud ee bulshada iyo kan dowladdaba, balse waxaad moodaa Xukuumada R/wasaare Saacid ay waxbadan qabatay wax badana u dhiman yihiin oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

Fiiro Gaar Ah: Fadlan Dhoowr Xuquuqda Qoraalka, Haddii Aad Qaadatana Xus Cida Leh Xuquuqdiisa.

Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com