Muqdisho(AGGM)Kormeerkani maanta ku simaha wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta, iyo Gaadiidka Soomaaliya Mudane Cabdi Shakuur Cali Mire uu ku tagay xarunta Murtida iyo madadaalada ee Theater-ka, ayaa waxaa uu u kuurgalayay xaaladda fanaaniinta hobolladda Waaberi iyo bur-burka ka muuqda xaruntaasi, iyadoo booqashadaasi ay ku wehilinayeen wasiirka Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, mareeyaha Theater-ka Qaranka iyo ku xigeenkiisa.
Ku simaha wasiirka ahna wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdi Shakuur Cali Mire, ayaa soo indha indheeyey qeybaha kala duwan ee xarunta Murtidada iyo Madadaalada oo bur bur baahsan ka muuqdo.
Intaasi ka dib ayaa wasiirka iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda oo xiliga ay kormeerka sameynayeen islamarkaana xarunta Theater-ka ay ku sugnaayeen Fanaaniinta Hobalada Qaranka Waaberi oo xubno ka mid ah ku andacoonayay in ay khaladdaad ka tabanayaan Maareeyaha Theaterka.
Maareeyaha Murtida iyo Madadaalada Theater-ka Qaranka Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa madaxda Wasaaradda Warfaafinta u sheegay in xarunta Theater-ka dhibaato dhinaca dhismaha ah ay heysato, una baahan yihiin in dib u dayactir lagu sameeyo, si howashii hobolada Qaranka loo dar dargaliyo.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Warfaafinta Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf ( Bahlaawi) oo hadal ka jeediyay gudaha xarunta Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa sheegay in Fanaaniinta Hobolada Qaranka Waaberi intooda badan la marsiiyay sharciga Shaqaalaha rayidka dowladda, isla markaana xaquuqdooda ay ku dadaalayaan sidii loo dhameystiri lahaa.
Ugu dambeyntii Ku simaha Wasiirka ahna wasiir ku xigeenka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa tilmaamay dowladda Soomaaliya in ay ku howlan tahay sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa xarunta Theater-ka Qaranka, dhinaca kale waxa uu fanaaniinta ku booriyay in ay la shaqeeyaan Maareeyaha National Theater.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com