Prof. Jawaari “Laga Bilaabo 20-ka Oktoobar Xildhibaan Kasta Oo Fasax Heystay Fasaxiisa Waa La Tir Tiray”

0

jawaari2Muqdisho(AGGM)Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa wal wal ka muujiyay kooram la’aanta uu mararka qaar u baaqdo kulamada Baarlamaanka, isagoo digniin u jeediyay Xildhibaanada fasaxa isaga maqan. Isagoo ka hadlayay kulankii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayuu sheegay in laga bilaabo 20-Ka October la tir tiray dhamaan wixii fasax ahaa ee ay heysteen Mudanayaasha baarlamaanka, isla markaana aanay jiri karin Xildhibaan ka maqan fadhiyada.

Prof  Jawaari Waxaa Si Kulul u Yiri “Waxaan go’aan ku gaarnay in 20-ka October laga bilaabo in la tir tiray dhamaan wixii fasax ahaa oo Xildhibaanada, qofkii maqan, maqnaanshihiis kas iyo maag waaye xeer ayaa la tiigsaneynaa”

Prof. Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ka hor 20-October ay xaadir ku ahaadaan magaalada Muqdisho, isla markaana fadhiyada baarlamaanka ay ka soo qeyb galaan. Fadhigii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay mudayaal ka tirsan baarlamaanka oo safaro ku tagay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo sheegay in aanay jirin in adeegyadii sama falka ahaa oo la geeyay deegaanadooda.

Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka ayaa dhowaan ku furmay habacsanaan, waxaana uu tiro labo jeer uu u baaqday kulankii baarlamaanka kooram la’aan markii saddex meel labo meel oo la doonayay inay ka soo qeyb galaan ay soo xaadiri waayeen.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa safaro dibada isaga maqan, iyagoo qaba fasaxyo, waxaana xildhibaanada qaarkood ay yihiin kuwo ay yar tahay inta ay soo xaadiraan fadhiyada baarlamaanka, waxaana ay iyagoo dibadaha jooga Akoonadooda ku dhaca gunooyinka ay qaataan ee ka badan labo kun doolar.Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa wal wal ka muujiyay kooram la’aanta uu mararka qaar u baaqdo kulamada Baarlamaanka, isagoo digniin u jeediyay Xildhibaanada fasaxa isaga maqan.

Isagoo ka hadlayay kulankii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayuu sheegay in laga bilaabo 20-Ka October la tir tiray dhamaan wixii fasax ahaa ee ay heysteen Mudanayaasha baarlamaanka, isla markaana aanay jiri karin Xildhibaan ka maqan fadhiyada.

“Waxaan go’aan ku gaarnay in 20-ka October laga bilaabo in la tir tiray dhamaan wixii fasax ahaa oo Xildhibaanada, qofkii maqan, maqnaanshihiis kas iyo maag waaye xeer ayaa la tiigsaneynaa”ayuu si kulul u yiri Prof. Jawaari.

Prof. Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka in ka hor 20-October ay xaadir ku ahaadaan magaalada Muqdisho, isla markaana fadhiyada baarlamaanka ay ka soo qeyb galaan.

Fadhigii maanta ee Golaha Baarlamaanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay mudayaal ka tirsan baarlamaanka oo safaro ku tagay deegaanada ay ka soo jeedaan, iyagoo sheegay in aanay jirin in adeegyadii sama falka ahaa oo la geeyay deegaanadooda. Kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka ayaa dhowaan ku furmay habacsanaan, waxaana uu tiro labo jeer uu u baaqday kulankii baarlamaanka kooram la’aan markii saddex meel labo meel oo la doonayay inay ka soo qeyb galaan ay soo xaadiri waayeen.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa safaro dibada isaga maqan, iyagoo qaba fasaxyo, waxaana xildhibaanada qaarkood ay yihiin kuwo ay yar tahay inta ay soo xaadiraan fadhiyada baarlamaanka, waxaana ay iyagoo dibadaha jooga Akoonadooda ku dhaca gunooyinka ay qaataan ee ka badan labo kun doolar.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com