Maalinta Macallinka Adduunka Oo Laga Xusay Magaalada Dhuusamarreeb.

0

Maalinta-macallinka-adduunkaDhuusamareeb (AGGM): Munaasabad lagu weyneynayo maalinta macallinka adduunka oo maanta laga xusayo caalamka oo uu soo qaban qaabiyay maamulka dugsiga hoose dhexe/sare ee Galgaduud ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Maamulaha dugsiga Maxamed Mukhtaar Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in maanta markii ugu horreysay 22 sano kaddib gobolka Galgaduud laga xusay maalinta macallinka adduunka.

Wuxuu xusay in macallimiinta gobolka iyo guud ahaan dalka ay ku shaqeeyaan duruufo adag oo ay ugu horreyso mushahar la’aan, laakiin waxa uu xusay inay sii wadi doonaan wax-baridda ubadka, isla markaana uu ku faraxsan yahay in farxaddan ay la wadaagaan macallimiinta caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliyo (Cirfo) oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dadaali doono tayeynta macallimiinta, isagoo ugu baaqay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada inay il gaar ah ku eegto xaaladaha ay ku shaqeeyaan macallimiinta iyo sida loo tayeyn karo.

Wuxuu xusay in bilaha soo socda ay imtixaani doonaan 90 macallin oo wax ka dhigi doona dugsiyada dowladda ee barnaamijka “Aada Dugsiyada”

Qeybo badan oo ka tirsan Soomaaliya ayaa maanta laga xusayaa maalinta macallinka adduunka oo markii ugu horreysay Qaramada Midoobay ay u asteesay in loo dabbaal-dego  October 5, 1994.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com