Dhageyso: Wefti Wasiirro ah oo Faah-faahiyay Socdaal ay ku Tageen Ceerigaabo

0

Wadsirada-300x253Hargeysa(AGGM)Wefti afar Wasiir ka kooban oo uu Hoggaaminayo Wasiirka Xanaanadda xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaasi oo ay u tageen hawlo la xidhiidha horumarinta gobolka iyo xal u helida shaqaaqooyin ka dhacay deegaankaasi.

Weftigan waxa xubno ka ah Wasiirrada Gaashaan-dhiga, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha iyo Biyaha, waxaana maanta duleedka magaaladda Ceerigaabo ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Sanaag, ka degmadda Ceerigaabo iyo waxgaradka bulshadda gobolka Sanaag.

Wasiirka Xanaanada xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka hadlay ayaa ka mahad celiyay sidii loogu soo dhaweeyay Gobolka Sanaag, waxaanu ka waramay ujeedada socdaalkoodu la xidhiidha.

Haddaba dhegayso hadalkii Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo dhamaystiran:

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/WasiirkaXoolaha4.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com