Dhageyso: Alshabaab & Dadka Degaanka Oo Ka Hadlay Weerarkii Baraawe Xalay

0

somalia-kismayo-kenyaMuqdisho(AGGM)Afhayeenka dhinaca howlgalada Al shabaab C/casiis Abu Muscab oo wareysi siiyey Wakaalada Wararka Reuters ayaa sheegay inay iska caabiyeen Ajaanib weerar ku qaaday saaka salaadii subax degmada Barawe sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu tibaaxay sargaakaasi uhadlay Al shabaab inay khasaaro gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday inkastoo tirada ay dileen uusan carab dhabin.

Dadka deegaanka ayaa usheegay qaar kamid ah warbaahinta caalamka inay maqlayeen rasaas xoogan oo udhaxeysay Al shabaaab iyo ciidamadii Ajnabiga ahaa ee weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale Sargaal uhadlay Al Shabaab oo lagu magacaabo Abu Maxamed Suleymaan oo la hadlay Wakaaladaha qaar ayaa ku faanay inay iska caabiyeen cadow soo weeraray sida uu hadalka udhigay.

Dhinaca kale Mid ka mid ah dadka degaaanka ayaa shaaciyey in dagaalkaasi ahaa mid culus oo labada dhinac iyo dad shacab ahba dhibaato ka soo gaartey weerarkaasi,waxaana uu sheegay inay hadda Alshabaab baaritaano ka wadaan Magaalada Baraawe,waxaana uu shaaciyey inay isbaarooyin dhigeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Magaalada Baraawe.

Ugu dambentii Abu Maxamed waa Taliyaha howlgalinta ciidamada Al shabaab ee degmada Barawe waxaana uu tilmaamay inay howlgal fashilmay la yimaadeen kooxihii diyaaradaha dagaal ku weeraray saaka aroortii degmada Baraawe ee G.Sh/Hoose.

Dhageyso Afhayeenka Alshabaab

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-AFHAYEENKA-AL-SHABAAB-ABUU-MUSCAB.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Dhageyso Mid Degaanka Ah oo Ka Hadlay Wixii Dhacay

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/Wareysi-dadka-deegaanka-Baraawe.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com