Cabdinaasir Seeraar Oo Dharbaxaay Jeneraal Fartaag Hanjabaadna U Jeediyey.

0

indexKismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Maamula Magaalada Kismaayo ayaa digniin  kulul u jeediyey Ku xigeenka Maleeshiyaadka Raaskambooni Jeneraal Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag isla markaasna u gacan qaaday,waxaana la sheegaya in gacan qaadkaasi sababay inuu Jeneraal Fartaag ka tagayo Magaalada Kismaayo.

Cabdinasir Seeraar Maax ayaa la shaaciyey inuu maanta xafiiskiisa ugu tagay Jeneraal Fartaag isla markaasna ka codsaday inuu cadeyo mawqifkiisa ku aadan ciidamada ku sugan duleedka kismaayo iyo weftiga dawladda ee ku sugan garoonka diyaaradaha.

Jeneraal Fartaag ayaa la sheegay inuu si cad ugu sheegay  inuu yahay ku xigeenka maamulka Jubba isla markaasna aysan arrintan u ool xubnaha ka hooseeya,waxaana la sheegayaa in arrintaasi sababtey inuu u gacan qaaddo Fartaag isla markaasna ka tiigsado dharbaaxo.

Masuuliyiin ka tirsan Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay soo kala dhex galeen isla markaasna hakiyeen gacan qaadkaasi,waxaana la sheegay inuu Cabdinaasir Seeraar ku hanjabay inuusan Fartaag si nabad ah ku sii joogi doonin Magaalada Kismaayo.

Gacan qaadkan maanta loo geystey Jeneraal Fartaag ayaan ahayn kii ugu horeeyey ee lagula kaco,waxaana maalmihi la soo dhaafay gudaha Magaalada Kismaayo lagu dilay qaar ka tirsan ilaaladiisa isla markaasna uusan ka hadlin.

Ugu dambeyntii Jeneraal Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil ayaan la ogeyn talaabada uu qaaddayo maamada loogu hanjabay in la dili doono.waxaana wararku sheegayaan inuu hada qorsheynayo inuu galo ciidamada dawlada siraliyoon ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com