Baarlamaanka Soomaaliya Oo Dhambaal Tacsi U Diray Ehellada Dadkii Ku Dhintay Xeebaha Dalka Talyaaniga.

0

Mudane-Jawaari-150x150Muqdisho (AGGM): Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa yiri “ Ugu horeyn anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan doonayaa inaan Tacsi uga diro ehellada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday xeebaha Jasiiradda Lampadusa ee dalka Talyaaniga, waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano siiyo,ehelladoodana samir iyo iimaan ka siiyo”

“Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa dowladaha ayaguna dadkooda ay ku geeriyoodeen shilkaasi dooni oo ay wada socdeen dhalinyaradii Soomaaliyeed ee iyagu naftooda halkaasi ku waayey, ficillada noocaan ah iyo kuwo kale oo horey u dhacayba waxey muujinayaan inaanay aheyn wax haboon ama wanaagsan in qofka bani’aadamka ah uu naftiisa ku hogaamiyo khatar tan la mid ah”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa fariin gaar ah u diray dhalinyarada Soomaaliyeed waxaana uu yiri “walaalayaal,dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaad tihiin Mustaqbalka wadankan halka aad kaga hamineysaan tahriib amaba uu idiin gelayo damac xun oo aad naftiina Qatar ku hogaamin laheydeen waa inaad maanka ku heysaan inaad tihiin madaxda dalkan ee berrito,marka ku fekera inaad ka qeybqaadataan hormarka dalkiina iyo sida aad mustaqbalkiina u dhisan laheyden.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com