Kismaayo(AGGM) Ka dib dagaalo saacado qaatey oo ilaa maanta ka socday degaanada u dhexeya Kismaayo Iyo Tuuladda Goobweyn waxaa la sheegayaa in dagaalkaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray ciidamada Maamulka Jubbaland Iyo Kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana sidoo kale la sheegayaa in gaadiid dagaal khasaare gaaray.
Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay hadda Isbitaalka Garoonka diyaaradaha ku yaala Magaalada Kismaayo ay gaarsiiyeen dhaawacyo badan oo dagaalkaasi ku waxyeeloobey,waxaana wararku sheegaya in sidoo kale la arkayey gaari nooca dagaalka ah oo laga gubay Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna ay jiidanayaan.
Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa maanta weerar ku qaaday farisiimaha ciidamada Maamulka Jubbaland ee Goobweyne,waxaana la sheegayaa inay halkaasi kala kulmeen iska caabin xoogan taasi oo sababtey in la soo gaarsiiyo duleedka Magaalada Kismaayo halkaasi oo hadda laysku horfadhiyo,waxaana wararku sheegayaan in maleeshiyaadka Raaskambooni Magaalada ka wadaan Dhaqdhaqaaq sidoo kalena doonayaan inay magaalada ka sameystaan dhufeyso maadama laga soo awood batay.
Ciidamada Maaamulka Jubbaland waxay hadda ku sugan meel magaalada Kismaayo u jirta 2 KM,Warbaahinta Allgalgaduud oo khadka Satelite kula xariirtey Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa shaaciyey in ay jiraan jiraan dhaawacyo 3 askari ah oo soo gaaray ciidamadooda,waxaana ay sheegeen in dagaalku yahay mid u dhexeya ciidamada Maamulkooda iyo kuwa Jabhada Raaskambooni,waxaana ay meesha ka saareen inaysan ciidamada kiiniya dagaalka maanta lug ku lahayn.
Xasan Qaasim waxaa uu sheegay in dagaalkan ay ku jabiyeen Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna ay gubeen gaari nooca dagaalka,waxaana uu sheegay inay hayaan tiro maydad ah oo ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni ah,waxaana uu sheegay inay kaga carareen goobta dagaalka hadda ay kismaayo wax yar u jiraan.
Xasan Qaasim warsame waxaa uu daboolka ka qaaday in dhamaan isgaarsiintii Jubadda Hoose hawada ka maqan tahay isla markaasna ay adeegsanayaan Satelite,waxaana uu shaaciyey in dagaalka maanta lagu soo qaaday farisiimahooda isla markaasna ay dib u soo riixeen maleeshiyaadka Raaskambooni oo uu ku tilmamay kuwo taag daran.
Ugu dambeyntii Xasan Qasim Warsame Waxaa uu daboolka ka qaaday inay ka gacan sareyaan isla markaasna ku kalsoon yihiin ciidamadooda,waxaana uu sheegay inaysan Raaskambooni Kismaayo sii haysan karin hadii aysan ciidamada Shiisheye u soo hilin,waxaana uu shaaciyey inay la wareegayaan Magaalada Kismaayo saacadaha soo socda .
Wararka ka soo kordha kala soco Allgalgaduud
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com