Mahadaay (AGGM): Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa booqday degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo uu kula kulmay ciidamada dowladda.
Taliyaha ayaa amaan u jeediyay ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Mahaddaay sida ay naftooda ugu hureen xoreynta dalka iyo guulaha ay gaareen.
Jeneraal Daahir Aadan Cilmi ayaa ciidamada la wareegay Mahaddaay gaarsiiyay hambalyo uu uga siday madaxweynaha, xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa kula dardaramay ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa ciidamada, isla markaana ay u dadaalaan badbaadinta shacabka Soomaliyeed.
Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa 19-kii bishii hore la wareegay gacan ku haynta degmada Mahaddaay ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com