Shiikh Caan Ah Oo Saaka Lagu Dilay Magaalada Mombasa Ee Dalka Kenya.

0

mombasaMombasa (AGGM): Rag hubeysan oo aan la garan ayaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku toogtay 4 ruux oo uu ku jiro wadaad la sheegay inuu xiriir dhaw la lahaa ururada Al-Shabab iyo Al-Qacida.

Warbaahinta Kenya ayaa ku waramaysa in wadaadka la toogtay oo lagu magacaabi jiray Shiikh Ibraahim wuxuuna aad ugu dhawaa wadaad kale oo sanadkii hore isla magaaladaasi lagu dilay oo Shiikh Cabuud Roogo la oran jiray.

Goob joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in xilliga wadaadkaan la dilayay uu kasoo baxay masjidka Musa oo magaalada Mombasa ku yaala oo uu Salaada Subax kusoo tukaday waxaana wararku intaa ku darayan in kooxdii dilka geystay ay baxsadeen.

Wadaadkaan waxaa lagu eedeeyaa inuu si hoose ula shaqeeyo Al-Shabab iyo Al-Qacida isla markaana uu sabab u ahaa qaraxyo ka dhacay magaalooyinka Mombasa iyo Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com