Dhageyso: Odayaasha Absame Oo Ka Dayriyey Amaankooda & Kan Kismaayo

0

kismaayo1Kismaayo(AGGM) Ka dib markii dhawaan kooxda Alshabaab weeraro miino ku qaadeen farisiin odayaasha Beesh Absame ku lahayeen magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose waxaa soo baxaya cabasho xoogan oo ka soo yeereysa Odayaasha Beesha Absame oo ku doodaya in xaaladooda amaan ay tahay mid adag isla markaasna ay ka cabsi qabaan in Alshabab u geystaan dilal.

Ugaas Cumar Xiirey oo ka mid ah Odayaasha Beesha Absame ayaa daboolka ka qaaday in xaaladooda amaan tahay mid xun isla markaasna Hanjabaado culus ay ka helayaan Kooxda Alshabaab oo ugu hanjabtey inay dilayaan maadama ay la shaqeeyaan Maleeshiyaadka Raaskambooni ee dhibaatada xoogan ka wada Magaalada Kismaayo.

Waxaa Cabashadan dhinaca amaanku ku soo beegmeysaa xilli dhawaan magaalada Kismaayo lagu dilay Ugaas caan ahaa oo ka soo jeeda Beesha Absame kaasi oo qarax miino oo xoogan ay la beegsadeen maleeshiyaadka Alshabaab,waxaana qaraxaasi iyo kuwo ka dambeeyey walaac iyo walbahaar ku abuurey waxgaradka beesha Absame ee la shaqeeya Maleeshiyaadka Raaskambooni.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-MID-KAMID-AH-ODAYAASHA-ABSAME-OO-CABANAYA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com