Muqdisho(AGGM) Ra’iisal wasaaraha xukumada Federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xukumadu ay ku guulaaysato balanqaadyadii ay horey u sameysay gaar ahaan in dalka la gaarsiyo doorashooyinka xor ah.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in dalkan uu ku socdo wadadii uu dib uga kaban lahaa burburkii soo gaaray.
Sidoo kale R/wasaare Saaci ayaa xusay in iyadoo laga faa’ideysanayo taageerada beesha caalamka ay Soomaaliya siinayaan in la gaari karo rajada ah in Soomaaliya si nabad-galyo ah ay uga dhacdo sannadka 2016-ka doorasho xor ah.
Waxa uu umadda Soomaaliyeed ugu baaqay shacabka in ay gacan ka geystaan meelmarinta dadaallada socda oo ay waddo xukuumada, si dalkan uu u gaaro Hiigsiga ah in Xukuumadda ay ku guuleysato ballan qaadyadii ay horey u sameysay.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa mar kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha nabadda diidan.
Baaqa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa u gogol xaaraya fulinta qodobbadii ka soo baxay shirkii bishii hore gudaha dalka ka dhacay ee Geedi socodka Siyaasadda Soomaaliya iyo Hiigsiga sannadka 2016 oo ah in wadanka ay ka dhacdo doorasho xor ah, inkastoo Ra’iisul wasaaruhu Iftiimiyey in arrintaasi hirgalinteeda ay qeyb weyn ka tahay xaqiijinta nabad-galyada dalka.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com