Roobab Mahiigaan Ah Oo Ka Da’ay Deegaanno Ka Mid Ah Gobolka Galgaduud

0

RoobabCaabudwaaq(AGGM)Roobabkii xilliga deyrta ayaa ka curtay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud iyadoo xoolaha iyo dadka ku nool deegaanada roobabkaasi ka da’een ay ku diirsadeen.

Roobabkan oo ah xiliga Deyrta ayaa 24 kii saac ee la soo dhaafay waxa ay si wanaagsan uga hooreen deegano ka tirsan gobolka Galgaduud oo ay ka jirtay abaar iyo biyo la’aan daran.

Meelaha ay roobabkana ka da’een oo ay xareeda wareen ayaa waxaa ka mid ah tuulooyin dhowr ah oo hoosyimaada degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.Roobabkani ayaa waxa kusoo beegmayaan xilli abaar iyo biyo la’aan darani ka jirtay deegaanadaasi.

Ugu dambeyntii Gobolka Galgaduud ayaa ahayd meel abaartu ay dhibaato ba,an ka haysay,waxaana hadda roobabkani yihiin kuwo lagu diirsaday isla markaasna ay aad ugu farxeen raxmada ilaahay ugu deeqay,waxaana maanta dadka reer guuraaga ah wajiyadooda laga dheehan karayaa farxad jyo damaashaad.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com