Nairobi (AGGM): Hay’adda U dooda Xuquuqda aadana ee HRW ayaa waxaa ay uga digtay xildhibanada barlamanka dalkani kenya baaqyada ah in la xiro xeryaha qoxootiga ee dalkani ku yaala.
HRW ayaa sheegtay in taasi ay uga sii dari karo xaalada soomaaliya hadii la xiro xeryaha ay ku jiraan qoxootiga soomaalida ee ku yaala dalkani kenya.
HRW ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay tixgilinayaan fikradha xildhiabanada ee ah in ay dadkooda ka badbaadiyaan waxyaabaha qalqal galinayaan amaankooda ,balse hadii xerahaa la xiro ayaa waxaa ay leedhay HRW in ay uga sii dari karto xalaada soomaaliya.
Xeryahaya Dhababa ayaa ah xerada qoxootiga ee wayn caalamka waxaana ay hooy u tahay nus maloon soomaali ah kuwaasi oo ka soo cararay badankooda dhibataooyinka kooxda Al-shabaab.
Sannaddi hore waxa la joojiyey qorshe dawladda Kenya ay doonaysay inay magaalooyinka kaga saarto dhammaan qaxootiga iyo dadka magangelyo doonka ah ee Soomaalida, lana geeyo xerooyinka qaxootiga amma dib loogu celiyo Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com