Shir Maamul Loogu Sameynayo Beledweyne Oo Dhawaan Furmi Doona

0

astaanta.qaranka-300x2282Muqdisho(AGGM)Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan si rasmi ah uu uga furmi doono magaalada Beledweyn shirweyne ay dadka reer Hiiraan ku dhisanayaan maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka kadib kulammo wadatashi ah oo magaalada Beledweyne ku dhexmaray wafdi ka socda dowladda iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cali Abtidoon Xalane oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkaasi ay dhaqaalihiisa bixineyso Wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumada Federaalka Soomaaliya, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkaasi u qabsoomo si wanaagsan.

“Shirku wuxuu noqondoonaa shir weyn oo la soo xulo ergooyinka odayaasha dhaqanka ayaa arintaasi mas’uul ka ah, waxaana hindise sharciyeedki uu ansixiyay baarlamanka ku xusnaa in masiirka ummadda ay mas’uul ka yihiin odayaasha dhaqanka oo kaashanaya xildhibaanada iyo bulshada rayidka ah, wasaarada doorkeedana waxaa waaye iney amniga sugto qarashkana bixiso’’ sidaasi waxaa yiri agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka mudane Cali Abtidoon Xalane.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu agaasimuhu hoosta ka xariiqay in wasaaradu ay xil iska saaridoonto hirgelinta shirkaasi si ummadda reer Hiiraan ay ugu dhistaan maamul ay soo doortaan oo ay raali ka wada yihiin.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com