Ilyaas Barre Shiil “Xeryaha Qaxooti ayaa laga soo abaabulaa Amni darada Kenya”

0

ilyas-bareshiilNairobi(AGGM)Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka Kenya oo kusugan Nairobi ayaa waxa uu sheegay inaysan weerarkii Westgate lagu qaaday aysan Amniga wax udhimi doonin ganacsigii iyo Amnigii ay heysteen.

Waxa uu ku qiil dayey wixii ka dhacay Westgate inay dunida ka dhacaan falalka nuucaan oo kale ah qaraxyo ay ka dhaceen dalal ay Mareykanka ka mid yihiin Kenyana aan lagu tilmaami karin mid Amnigeedu liidato.

Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil ayaa sidoo kale ka hadlay war kasoo baxay maalin ka hor Mudane katirsan baarlamaanka Kenya oo dalbaday in la xiro xeryaha qaxootiga Kenya isagoo sheegay inay dawlada Kenya ku taageerayaan in la xiro xerooyinkaasi.

Waxa uu sheegay inay og yihiin dhibaatooyinka Amni daro ee Kenya in laga soo abaabulo xerooyinka Qaxooti ee dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com