Balcad (AGGM): Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ciidamada dowladda iyo falaagada Al-shabaab ku dhexmaray xalay degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana dagaalkaas ka dhashay khasaare kala duwan.
Inta la og-yahay dagaalka waxaa ku geeriyooday ilaaAfar ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay s, iyadoo ugu dambeyn falaagada Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmadaas ay isaga baxeen, halka ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Dagaalka oo ahaa mid xalay saqdii dhexe dhacay wuxuu ahaa mid culus iyadoo dadka deegaanku ay sheegeen in falaagada Al-shabaab oo weerarka ku qaaday degmada ay gudaha u soo galeen degmadaas, iyadoo dagaalku uu soo gaaray aroornimadii hore ee saakay.
Ilaa iyo hadda kama aysan hadllin dagaallka saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Dad ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa oo muddo sannado ah ka dhaca degmada oo dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Mahadaay ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.
Falaagada Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dagaalka ayaa sheegtay in uu ahaa mid ay iyagu ku qaadeen degmadaas oo ay sheegeen inay ku sugan yihiin cadow, waxayna xuseen inay ku dileen gudaha degmadaas ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com