Ciidamada Col. Indhoradeer & Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Ay Ka Dhex Tolan Tahay & Ciidamada Bare Soo Ruqaansaday

0

yaasiin-nuur-gaas888888Kismaayo(AGGM) Maleeshiyaadka Raaskambooni & Ciidamada hore daacad u ahaa Col Yasiin Nuur Gaas ( Raadeer) isla markaasna ka mid ahaa ciidamadii dawlada ee lagu soo tababaray gudaha dalka Kiiniya ayaa la sheegaya in xaalad culus ka dhex taagan tahay,ka dib markii saraakisha dawlada kiiniya ay Col Yaasiin Nuur Gaas ( Raadeer ) ku wareejiyeen Ciidamo gaaraya 200 askari & 4 gaadiidka dagaalka ah oo ciidamada dawlada kiiniya hore ugu qabteen dagaaladii ay la galeen Ciidamadii dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa ku xereysnaa Xarun ciidamada dawlada kiiniya ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo halkaasi oo lagu hayey iyaga iyo hubkooda,waxaana talaabadani timid ka dib markii Ciidamada dawladda kiiniya iyo kuwa Siraliyoon u maaro waayeen dhibaatada ay ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni ka geysanayaan magaalada Kismaayo.

Saraakisha Amisom ee ku sugan Magaalada Kismaayo isla markaan ka soo kala jeeda Dawladahaa Kiiniya Iyo Siraliyoon ayaa la sheegay inay xiriir la sameeyeen Maamulka Bare Hiraale ee ku sugan duleedka Magaalada Kismaayo isla markaasna ku war geliyeen inaysan ka hortaageyn Magaalada Kismaayo isla markaasna ay dib u siinayan xoriyadooda ciidamadoodda ku sugan Magaalada Kismaayo gaar ahaan garoonka diyaaradaha,waxaana la sheegay in Col Bare Aadan Shire Arrimahaasi soo dhaaweyey.

Markii arrintaasi dhacday xaaladu ku cuslaatay kooxda Raaskambooni ee Magaalada Ku sugan waxaana ay bilaabeen inay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyaan gudaha iyo hareeraheeda,waxaana laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda Magalaada Kismayo ay ka dhacaan dagaalo culus oo dhexmara Maleeshiyaadka Raaskambooni iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan duleedka Kismaayo oo la sheegay inay hadda u soo ruqaansadeen dhinaca magaalada Kismaayo.

Col Yaasiin Radeer oo ahaan nin ka tirsanaa Jabhadda Raaskambooni ayaa ogaaday runta kismaayo ka jirta isla markaasna magan galay ciidamada dawlada kiiniya iyo kuwa Siraliyoon,waxaan taasi sababtey in dhamaan ciidamadiii dawlada ee ku sugnaa garoonka diyaaradaha isaga loo dhiibo loona sheego inuu iska difaaci karro cid kasta oo weerar ku soo qaada.

Dhinaca kale Jeneraal Cabdilaahi shiikh Ismaaciil Fartaag oo ah xoghaya Axmed Madoobe ee Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inuu hadda doonayo inuu xiriiro la sameeyo Maamulka Bare Hiirale inkastoo weerarka qaarkood sheegayaan in Maamulka Col Bare hiiraale arrimahaasi ku gacan sayreen.

Ugu dambeyntii xaalada Magaalada Kismaayo ayaa ah mid kacsan waxaa dadku walaac xoogan ka qabaan in ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Maleeshiyaadka Raaskambooni mar kale isku gacan saaraan gudaha Magaalada Kismaayo iyadoo la sheegayo in ciidamada Maamulka Jubbaland ee uu hogaaminayo Col Bare Hiraale ay wacad ku mareen inay cagta mariyaan Maleeshiyaadka Raaskambooni isla markaasna la wareegaan gacan ku haynta Magaalada Kismayo.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com