Xuseen Weheliye Cirfo ” Jaaliyadaha Dibedu Waa Inay Maalgashadaan Dhulkooda ”

0

downloadDhusamareeb(AGGM) Guddoomiyaha gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye  (Cirfo) ayaa ugu baaqay ganacsatada, iyo qurbo joogta ka soo jeeda gobolkaasi, inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo maalgashiga gobolka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo,  iyadoo hadalkani uu ka jeediayay munaasabad lagu furayay hotel maanta laga hirgaliyay  magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka  Galgaduud.

“Dadka dibadaha Jooga ee Dhaqaalaha Heysta waxaa looga baahanyahay In gobolkani ay maalgashtaan, waxaana dadka gobolka ku dhaqan ay u baahanyihiin in la maalgshto gobolka si looga qeyb qaato dhimaha iyo horumarinta gobolka waxaan diyaar u nahay inaan amniga sugno oo aan si wanaagsan u soo dhaweyno dadka maalgashanaya gobolkani”  Ayuu yiri Gudoomiye Cirfo.

Maamulka gobolka Galgaduud ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay ku howlanaa sidii mashaariicyo kala duwan looga hirgalin lahaa gobolka Galgaduud, iyadoo maamulka uu sheegay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneysa dib u dhiska gobolka si tartan uu ula galo gobolada kale ee dalka.

Ugu dambeyntii Gudoomiye Xuseen Weheliye Cirfo ayaa u muuqda nin u diyaar ah inuu badan ka qabto horumar la,aanta ka taagan gobolka Galgaduud iyadoo uu dhawaan socod dheer ku soo maray dhamaan inta badan degmooyinka Gobolka Galgaduud isla markaasna kulamo muhiim ah la qaatay dhamaan waxgaradka iyo bulshada degaanadaasi ku dhaqan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com