Maleeshiyaadka Raaskambooni Oo Nin Shacab Ah Ku Dilay Kismaayo

0

Ahmed_Madoobe_Raaskambooni_Keydmedia_Kismaayo_-620x330Kismaayo(AGGM) Maalinba Maalinta ka dambeysa waxa sii xoogeysanaya Dhibaatada Maleeshiyaadka Raaskambooni ku hayaan dadka degaanka,waxaana maanta magaalada Kismaayo lagu dilay nin darawal ah kaasi oo ay dileen askar ka tirsan ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaana la sheegaya in kooxdii dilka fulisay in baxsadeen.

Ninkan Degaanka ah oo lagu magacaabo Cawil Cumar Geelle waxaa Maleeshiyaadka Raaskambooni ku dileen Xaafada Farjano gaar ahaan meesha loo yaqaano Fiat,waxaana la sheegay inay lacago baad ah waydiisteen markii uu diidayna ay rasaas la dhaceeen isla markaasna ay kaga tageen meeshii ay ku dileen.

Shacabka Magaalada Kismaayo ayaa walwal iyo walaac baahsan ka soo saaray dhibaatada lixaadka leh ee maleeshiyaadka Raaskambooni ka wadaan gudaha Magaalada Kismaayo iyagoo Todobaadkan gudihiisa Magaalada ku dilay in ka badan 15 ruux oo dhamaantood shacab ah kuwaasi oo aanay jirin hal askari oo dilkooda loo soo qabqabtay.

Sidoo kale Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegayaa inay dhac ka geysteen Xaafada Calanley ee Magaalada Kismaayo,waxaana ay dhaceen dad ganacsato ah oo waxba galabsan,waxaana la aaminsan yahay in Maleeshiyaadka Raaskambooni wali wadan barakaciinta dadka degaanka,waxaana dhibaatadan walaac xoogan ka muujinaya dadka shacabka ah.

Ugu dambeyntii marxuumkan maanta ay dileen Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa la sheegaya in saacadaha soo socda lagu aasi doono xabaalaha Magaalada Kismaayo iyadoo aysan jirin cid loo soo qabqabtey dilkiisa,waxaana la sheegayaa in kooxdii dilka Geysatay ay Magaalada Kismayo hadda ku sugan yihiin isla markaasna aysan jirin cid isku hawshay inay gacan ku dhiiglayaasha gacanta ku soo dhigaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com