Hargeysa(AGGM) Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inaanay Somaliland iyo Soomaaliya ahayn dal kala maqan ee ay kala yihiin laba dal, waxaanu caalamka u cadeeyay in mawqifka Somaliland ku ilaashanayso madax-banaanideedu ahayn mid fudud oo laga noqon karro.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay hadal kooban oo uu saxaafadda ku siiyay madaarka ka hor intii weftigii uu Hoggaaminayay aanay maanta u kicitimin dalka Turkiga oo uu ka helay marti-qaad rasmi ah.
Ugu dambeyntii Jamhuuriyadda Somaliland waxay mudo badan celcelisay inaysan mar dambe dib ula midoobi doonin Wadanka deriska ay yihiin ee Soomaaliya isla markaasna ay la soo laabteen Madax banaanidoodi ayna aqbalayaan inay wada noqdaan laba dal oo deris ah isla markaasna iska kaashada dhinaca amaanka iyo iskaashiga calamiga ah.
Khudbadii madaxweynaha halkan ka dhegayso iyadoo dhamaystiran:-
[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/10/MadaxweyneSiilaanturk.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]