Dhageyso: Col Sarey ” Dawladda Waxa Looga Fadhiyaa Inay Tayeyso Ciidamada Gobolka Gedo ”

0

jamal-sareyBeledxaawo(AGGM) Saraakisha Sar sare ee ciidamada kala duwan ee gobolka Gedo ayaa ka dalbaday Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya inay ciidamadaasi wax badan ka qabato tayeyntooda,waxaana Saraakishu sheegeen in ciidamada gobolka Gedo yihiin kuwo daacad u ah inay qabtaan talaabo kasta oo amaanka gobolka lagu xaqiijinayo.

Col Jamal Xasan Sarey oo ah taliyaha ciidamada booliska Gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaan ciidamada dawlada federaalka ah ee nooc kasta leh isla markaasna ku sugan gobolka Gedo ay qabaan baahi dhinaca qalabka iyo tayeynta ah,waxaana uu shaaciyey in ciidamadaasi ay yihiin kuwo u diyaar ah inay amaanka gobolka wax ka bedelaan hadii ay helaan tayey heer sare ah.

Dhinaca kale waxaa uu si gaar ah uga hadlay ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidda isla markaasna waxaa uu shaaca ka qaaday inay ku yar yihiin gobolka Gedo ciidamada booliska iyo kuwa nabad sugidu,waxaana uu sheegay in dawlada looga fadhiyo inay kordhiso tiradda ciidamada booliska iyo Nabad sugidda Gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii Col Sarey waxaa uu daboolka ka qaaday in dawlada Federaalka ah ee soomaaliya looga fadhiyo inay wax badan ka qabato baahida ciidamada kala duwan ee gobolka Gedo oo uu ku tilmaamay geesiyaal wax badan ka qabtay amaan darrida ka taagan gobolka gedo,waxaana uu sheegay inay yihiin ciidamo isku filan balse u baahan in la tayeeyo.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-TALIYAHA-CIIDANKA-BOOLIISKA-GEDO-JAMAAL-XASAN-SANEEY.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com