Baladweyne(AGGM) Aabe Soomaaliyeed oo la sheegay inuu xanuunsanaa gaar ahaan dhinaca maskaxda xanuunka dhimirku kala soo darsay ayaa la sheegay inuu dilay 4 caruur uu dhalay kuwaasi oo la sheegay inay dhamaantood ahayeen wiil aad u yaryar. Dhacdadan ayaa la xaqiijinaya inay ka dhacday degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Meesha dilkan foosha xun ka dhacay ayaa la sheegayaa in lagu Magacabo GeelXamur waxaana la sheegayaa Aabaha caruurta dhalay uu dhawaan Magaalada Muqdisho ka soo waday caruurtaasi si quraan loo saaro isla markaasna ay maalmo ugu sugnaadaan degaanka Geelxamuur ee Gobolka Hiiraan,Aabahan ayaa la sheegayaa in markii uu muqdisho ka soo tagayey uu caafimaadkiisu taam ahaa.
Dhacdadan naxdinta badan ayaa ah mid aad looga hadal hayo dhamaan goboladda Dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ah meesha ay dhibaatadaasi ka dhacay,waxaana la sheegay in Aabaha gacanta lagu soo dhigey isla markaasna hadda lagu hayo saldhig uu ku xiran yahay iyadoo la sheegayo in xaaladiisa caafimaad ee dhinaca maskaxdu aysan ahayn mid caadi ah.
Ugu dambeyntii Aabahan soomaaliyeed waxaa lagu magacaabaa Cumar Shire Xuseen waxaana uu in muddo ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho sida la sheegayna xaaladiisa caafimaad ahayd mid caadi ah oo aan dhibaato ahi haysan markii uu ka soo tageyey Magaalada Muqdisho. Sidoo kale Hooyada Caruurtaasi ayaa la sheegaya in Xaalad Shoog ah ay gashay markii ay dhacadaasi ay maqashay.
[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/10/DHAGEYSO-WARBIXIN-KU-SAABSAN-AABAHA-DILAY-CARUURTIISA.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com