Baarlamaanka Kenya Oo Su’aalo Weydiinaya Saraakiil Iyo Wasiirrka Arrimaha Gudaha.

0

Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in NairobiNairobi (AGGM): Laamaha nabad-galyada dowladda Kenya ayaa bilaabay in midba kan kale oo ku eedeeyo in uu leeyahay mas’uuliyada weerarkii dadka badan ay ku dhinteen ee todobaad hore ka dhacay magaalada Nairobi, kadib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen dhismaha ganacsi ee Wetsgate Mall.
Hadab iyadoo ay taa jirto ayaa lagu wadaa in maanta guddiga ammaanka iyo difaaca baarlamaanka Kenya ayaa sheegay inay wax ka weydiin doonaan saraakiisha iyo wasiirka sidii uu ku dhacay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall.

“Waxaa ay su’aalaha intooda badan quseyn doonaanaan ammniga dalka Kenya, sida saraakiisha laamaha nabad-galyada, iyo wasaarrada arrimaha gudaha bal si ay jawaab uga bixiyaan habkii uu u dhacay weerarkaas,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan guddiga.

Wararkii Westgate Mall aya waxaa sheegatay Al-shabaab kaasoo sababay inay dhintaan in ku dhow 70-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 200 oo qof, kuwaasoo ahaa dadkii goobta ka adeeganayay xilligii uu dhacay weerarka iyo kuwo lagu qabsaday.

Taliyaha  hay’adda nabad-asugidda Kenya ayaa horay u sheegay in weerarka ay ka dileen hal sano ka hor, inkastoo taas uu beeniyay taliyaha booliiska dalka Kenya, waxaana tani ay qayb ka tahay is eedeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka Kenya.
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Ole Lenku oo warbaahinta dhowr jeer kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid si kaddis ah ku dhacay, isagoo xusay in weerarkan ay ka dhiganayaan tusaale ayna ka hortegi doonaan kuwo kale oo dhaca.

Baarlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay in wax dhici karo aheyn in koox tiro yar oo ka tirsan Al-shabaab mudo intaa la eg ka dagaallamaan gudaha dhismaha, iyaga oo dhinaca kalana raadinaya jawaabo ku aadan sida ay kooxda ugu suurtagashay in ay gudaha u gallaan dhismaha, islamarkaana u ogaan waayeen laamaha ammniga.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com