Wasiirro Iyo Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Kenya Oo Loogu Hanjabay In La Dillayo.

0

KENYAN MINISTERSNairobi (AGGM): Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka macdanta dalka Kenya Najiib Balala ayaa la sheegayaa in ururka Al-shabaab ugu hanjabeen in ay khaarajin doonaan sida lagu sida laga soo xigtay laamaha sirdoonka dalka Kenya,

Waaxda sirddonka dalka ayaa sidoo kale shegaysa in nin lagu magacaabo Shacbaan oo horey ugu lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada Mombassa uu ka soo ambabaxay xerada qaxootiga ee IFO, waxaana la leeyahay in isaga iyo waliba koox kale oo wehlisa dib ugu laabteen Mambassa si ay u khaarajiyaan wasiirrka ama qaraxyo iyo weeraro halkaa uga geystaan.

Wararka laga hellayo sirdoonka dalka Kenya   ayaa sheegaya in Al-shabaab qorsheynayaan qarax lala beegsadaan mid kamid madaxda ciidamada sirdonka dalka oo uu kamid yahay wiil uu dalay wasiirkii hore ee difaca dalka kenya Yusuf Xaaji.

Waaxda sirdoonka Qaranka dlaka Kenya oo loo soo gaabiyo NIS ayaa sidoo kale warbixintoodan ku sheegay in qorshahan la doonayo lagu khaarijinayo siyaasiyiinta dalka iyo qaraxyadan ay ka qayb qaadan doonaan 4 dumaar ah iyo 7 rag ah oo uu ka mid yahay Faysal C/llaahi oo ah nin turjumaan ah kana shaqeynaya garoonka diyaradaha ee Mandera oo la sheegay inuu warbixino iyo sirta dowlada ugudbiyo xarakada Alshabab sida warbixinta lagu sheegay.

Arrimahan oo dhan ayaa soo ifbaxaya kadib weerarkii Sabtigii aynu soo dhaafnay ee todobaad hore kooxda Al-shabaab ku qaadeen dhismaha laga dukaameysto ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com