Wasiirka Daakhiliga Oo Ka Hadlay Halka uu ku Dambeeyay Qorshihii Bilicda Magaalooyinku

0

waran-cade1Hargeysa(AGGM)Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sheegay inay Dawladaha Hoose ee dalku ay fulin doonaan qorshihii uu hindisay ee la xidhiidhay kor u qaadista bilicda magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramayay wargeyska DAWAN, waxaanu tilmaamay in qorshaha kor u qaadista Bilicda magaalooyinka laga bilaabay qaar ka mid ah degmooyinka dalka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Qorshihii kor u qaadista bilicda waanu fulinaynaa Wasaarad daakhili ahaan annagoo ku dabo-galayna dawladaha Hoose. Way jiraan magaalooyin laga bilaabay, hase yeeshee markii aad loo dalbaday marmarkii lagu hagaajinayay shaaricyadda xoogaa ayuu yaraaday, dalkana waxa ka jira sadex warshadood oo kaliya oo mar-marka soo saara.

Markaa waxaan rajaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan arrintaasi loo hirgeliyo waana dan caam ah oo aynu qaran ahaan u baahan nahay.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay inuu dalka Itoobiya uga soo iibin doono dhir kala duwan oo lagu beeri doono waddooyinka magaalooyinka Hareerahooda ah. Md. Cali Waran-cadde oo la weydiiyay qoraalkii uu ku diiday dalab mudaharaad oo xisbiyadda mucaaridka ahi ka dalbadeen Salaasaddii todobaadkii hore, waxaanu yidhi “Arrintaasi way iska dhammaatay labada xisbi mucaarid dalabkoodii qoraal ayaan ugu jawaabay, waanay ku qanceen. Waan uga mahad celinayaa inay arrintaasi ku qanceen. Waana arrin laga soo gudbay.”

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay u soo jeedsadaan oo ay kala shaqeeyaan xukuumadda qorsheyaasha horumarinta ee xukuumaddu u tafo-xaydan tahay xiligan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan dadweynaha reer Somaliland ee wadankooda jecel u soo jeedinayaa baaq ah inay ku tartamaan oo ay xukuumadda gacan ka siiyaan mashaariicda horumarinta la xidhiidha ee ay waddo si dalkeena aynu ka shaqaysano oo u horumarino.”

“Waxaan shacbiga ku boorinayaa inay ilaashadaan nabad-gelyadooda oo ay ciidammadda Nabad-gelyadda gacan buuxda ku siiyaan inay kala shaqeeyaan sidii aynu ugu faro adaygi lahayn qaranimadeena oo cadow farro badan leh,”ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com