Dhageyso:Maamulka Bare Hiiraale Oo Arrimo Badan Ka Hadlay Hawlgallo Ciidamada Siraliyoon Ka Wadan Duleedka Kismaayo

0

Kbarre-hiiraaleismaayo(AGGM) Maamulka Jubbaland ee uu madaxweynaha u yahay Col Bare Aadan Shire ” Hiraale ” ayaa ka hadlay arrimo badan oo khuseeya arrimaah jubooyinka & hawlgallada ciidamada Siraliyoon ka wadaan duleedada Magaalada Kismaayo,waxaana uu Masuul ka tirsan maamulka Bare hiraale sheegay in Ciidamadaasi aysan wax dhiba kala kulmin.

Masuulkan waxaa uu shaaciyey in Ciidamadoodu wali halkoodii ku sugan yihiin isla markaasna ay ka war sugeyaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho oo uu tilmaamay inay u joogaan Masuuliyiin ka tirsan Maamulkooda isla markaasna matalaya,waxaana uu daboolka ka qaaday in Masuuliiyiintaasi ay wada xiriraan isla markaasna ay ka wada hadli doonaan xaaladaha shirka iyo sida uu socdo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay ciidamada Siraliyoon ee ku sugan Kismaayo,waxaana uu sheegay inay ciidamadaasi soo gaaraan goobaha ciidamadoodu ku sugan yihiin isla markaasna aysan dhibaato kala kulmin,waxaana uu sheegay inay degaanadaasi u soo gaaraan Ugaarsi ay ugaarsanayan ugaarta sida dofaarka iyo noocyada kale oo ay cunaan.

Waxaa kale oo uu sheegay inaysan dhici doonin in ciidamada Siraliyoon loo adeegsado sida kiiniya isla markaasna ciidamada Siraliyoon yihiin ciidamo daacad ay ka tahay nabad ilaalintu,waxaana uu sheegay inay kuwa kiiniya yiihiin calooshood u shaqeystayaal dalka dhibaato u horseeday isla markaasna shacab badan dilay ,hubkii nabad ilaalinta u qaybiyey maleeshiyo beeleedyo.

Ugu dambeyntii masuulkan waxaa uu sheegay in ciidamada kiiniya ka baxaan Kismaayo hadii aysan u dhaqmayn ciidamo nabad ilaalineed isla markaasna ay qabiil la safan yihiin,waxaana uu sheegay in shacabkii Kismaayo ku sugan yihiin duleedka Magaalada Isla markaasna maalinta kasta ka soo barakacaan dhibaatada Maleeshiyaadka Raaskambooni ka geysanayaan gudaha kismaayo ee shacabka lagu bartilmaameedsanayo.

[ca_audio url=”http://allgalgaduud.com/wp-content/uploads/2013/09/Wareysi-Xasan-Kaafi-Warsame-28-09-2013.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com