Dhageyso: Odayaal Loo Xil Saaray Dhameynta Colaad Ka Jirta Dhabad & Gelinsoor

0

Gacal-300x229Caabudwaaq(AGGM) Maamulka Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa ka hadlay arrimo la xiriira colaad maalmihi u dambeeyey u dhexey dad xoolo dhaqato oo wada dega degaanada Dhabad iyo Gelinsoor kuwaasi oo iska dilay dad xoolo dhaqato ah oo aan waxba galabsan,waxaana arrintaasi ka warbixiyey maamulka Waqooyiga Gobolka Galgaduud ee fadhigiisu yahay degmada Caabudwaaq.

Cabdirisaaq Cali Jibiin oo ah gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Caabudwaaq ayaa ka hadlay arrimahaasi,waxaana uu sheegay in arriintaasi meel wanaagsan marayso isla markaasna ay waxgaradka labada dhinac arriintaasi la wareegeen isla markaasna colaada labada beelood u dhexeysa ay ku dhameyn doonaan is af garad.

Ugu dambeyntii Waxaa hadalkan imaanayaa iyadoo coladaasi ay ku geeriyoodeen in ka badan 6 ruux oo labada dhinac ka soo kala jeeda kuwaasi oo iska dileen labada beelood,waxaana talaabadaasi lagu sheegey inay ka dhalatey dhul daaqsimeed labada beelood ku murmeen isla markaasna ay sababtey in colaad iyo dagaal ka dhex dhasho labada beelood.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSOCABDIRSAAQ-CALI-JABIIN-GACAL-GUDDOOMIYE-KU-XIGEENKA-DEGMADA-CAABUDWAAQ.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com