Daawo: TV Chanal 4 Oo Baahiyay Askari Ka Tirsanaan Jiray Raaskambooni Uu Hogaaminayay Weerarki West Gate Ee Magaalada Nairobi.

0

shabaabuSida uu baahinyay Telefishinka Channel 4 ayaa shaaciyay in nin looga shakisan yahay inuu ahaa qofkii hogaaminayay howl galkii 21-September ka dhacay Rugta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi inuu ahaa Nin Kenyan qaatay Diinta Islaamka.

Channel 4 oo warbixintan u gaar aheyd, kadib markii uu ilo wareedyo muhiim ka soo xigtay ayaa la sheegay in ninka Kenyanka uu ka tirsanaa Ciidamada sida gaarka ah u tababarnaa ee Kenya, ee ay tababareen Ciidamada Britain.

Ninkan ayaa Soomaaliya tagay sanadkii 2005-tii waxaa uu ku biiray Jabhada Raaskambooni, sida lagu sheegay warbixinta Channel 4, waxaana uu kaga sii biiray Al-Shabaab, isagoo qaatay Diinta islaamka.
 
Ninkan oo ka soo jeeday qoys Kirishtan ahaa ayaa baxsaday magaca Cumeyr, waxaana uu ahaa fuliyihii weerarkii Westgate ee ay ku dhinteen in ka badan lixdan ruux, ninkan ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay howl galkii maalinkii afaraad ka socday Westgate.

Cumeyr ayaa ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, isagoo u qaabilsanaa tababarada gaarka ah, sida difaacu nafsiga iyo feerka oo uu dagaalyahanada uu u tababari jiray sida ay isu difaaci lahaayeen, marka ay hujuumla kulmaan.

Channel 4 ayaa soo bandhigtay nin labaad oo ka mid ahaa dableydii weerartay Westgate, kaasoo ah Soomaali lagu magacaabo Khadab, ninkan ayaa ka shaqeynayay goob buugaagta diiniga lagu iibiyo oo ku taal magaalada Nairobi, gaar ahaan Xaafada Islii oo ay Soomaalida u badan tahay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com