Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Ku Dhigey Kooxo Hubeysan Oo Alshabaab Looga Shakisan Yahay

0

ciidamada1Muqdisho(AGGM)Howlgal ay ciidamada ammaanku xalay ka sameeyeen Muqdisho ayaa lagu soo qabtay dad la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin Shabaab, oo hub iyo walxaha qarxa ku heystay guri ku yaala degmada shibis.

Howlgal ay xalay degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir ka sameeyeen ciidammada hey’adaha ammaanka Qaranka ee Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa lagu soo qabtay dadkan oo tiradooda ay tahay Todoba qof, isla makraana qof ka mid ah ay tahay Haweeney aad u da’yar, kuwaas oo sidoo kale lala soo qab tay Hub noocyo kala duwan leh.

Hubka dadkan ay hey’adaha ammaanka Qaranka ku soo qabteen  ayaa waxaa ku jiray qoriga loo yaqaanno Hoobiyaha. Qoryaha nooca fudud ee gacanta laga gano, Daraagis iyo Cirbadaha dadka lagu duro marka ay fulinayaan weerarrada argagixiso sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha hey’adaha amniga.

Sidoo kale Saraakiisha ammaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijisay in dadka la soo qab-qabtay  ay hormuud ka ahaayeen guddoomiyaha Waaxda Afaraad ee degmada Shibis, guddoomiyaha laanta koobaad ee Calasow dheere iyo guddoomiyaha Tabeelaha afaraad ee waaxda Koobaad, nin isagu sheeganayey in uu yahay Ganacsato iyo Haweney oo iyana ku sugnayd guriga ay ciidammada amniga Hoobiyaha iyo Hubka kale la soo qabteen.

Saraakiisha ayaa intaa raacisay in Qoriga Hoobiyaha ah dhowr habeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo garaacay, balse iyagu ay sameynayeen baaritaanno dheeri ah si loo kala caddeeyo cidda sida rasmiga ah ugu lugta leh howshani aragixisanimo.

Qofka Haweneyda ah oo Warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in guriga lagu soo qabtay in muddo ah ay ku arkeysay guriga, balse ay goor dambe aqoonsaday sida ay iyadu sheegeyso.

Dhinaca kale hey’adaha amniga Qaranka ayaa Warbaahinta Soomaalida u soo bandhigay Miinooyin ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Isgoysa Hodan iyo Baar Bakiin oo ku yaalla degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale hey’adaha ammaanka Qaranka waxa ay Muqdisho ku soo bandhiggeen Hub kala duwan oo ay Walxaha Qarxa ku jiraan, kuwaas oo laga soo qabtay mid ka mid ah Hotellada ku yaalla Magaalada Muqdisho, iyadoo ciidammada amiga Qaranka ay Muqdisho ka sameeyaan howlgallo habeen iyo maalin ah, kuwaas oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada iyo cid walba oo nabadda diiddan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com