Cabdishakuur Cali Mire ” Alshabaab Waanu Dabar-goyneynaa Mustaqbalka Dhaw”

0

418046_10151329126022236_727483069_nMuqdisho(AGGM) Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shukuur Cali Mire oo Saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka ay dowladdu ugu sifeyneyso Xarakada Al Shabaab.

Wasiir ku xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in dowladda ay ka taageeraan dagaalka ay kula jirto Ururka Al Shabaab.

“ Haba ugu horeyso Muqdisho weyn  naga go’antahay in Al Shabaab aan dabar goyno” ayuu yiri Mr Cabdi Shukuur Cali Mire Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu shaaciyey in Alshabaab khatar ku tahay umadda soomaaliyeed isla markaasna loo baahan yahay in laga hortago weerarada Alshabab soo maleegayaan isla markaasna la beegsanayaan goobaha shacabka iyo dawlada,waxaana uu daboolka ka qaaday in dawladu hadda diyaar u tahay inay soo afjarto kooxda Alshabaab.

Ugu dambeyntii hadalkan wasiirku waxa uu imaanayaa xilli Alshabaab weeraradoodu gaareen meelo ka baxsan dalka soomaaliya isla markaasna ay ku dileenb dad badan oo aan waxba galabsan waxaana u dambeeyey weeraradii asbuuci la soo dhaafay ka dhacay wadanka kiiniya oo ay ka weerareen dhawr magaalo isla markaasna ku dileen dad aan waxba galabsan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com