Shir Looga Hadlayay iskaashiga Ganacsiga Caalamka Oo Lagu Soo Gebagebeeyay China

0

ChinatownGuwanzu(AGGM)Shirweynihii arrimaha dhaqaalaha  iyo iskaashiga ganacsiga caalamka ayaa lagu soo gebagebeeyay magaalada Ninsha ee dalka China,  ayadoo shirkaasina ay ka qeybgaleen ganacsato Soomaaliyeed.

Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen hey’adaha gaar ahaaneed ee dhaqaalaha ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha shirkada ganacsiga ee Maw Intarnational ee fadhigeedu yahay magaalada Guwanzu ee dalka China Cali Mocow Nuur oo ka mid ahaa wufuudii lagu martiqaaday shirkaasi ayaa ka warbixiyay waxqabadka shirkadiisa.

’’Shirkadena Maw Intarnational waxa uu fadhegeedi yahay Guwanzu ee dlka Shinaha waxeyna faracyo ku leedahay qaaradaha Afrika,  Asiya, Yurub iyo Amerika,  waxeyna kaalin mug leh ka geeysataa horumarinta arimaha ganacsiga,  fidinta qibradaha,  warshadeynta wax soo saarka beeraha kaluumeysiga xoolaha iyo maalgelinta, waxaana u rajeynayaa shirweynahan inuu ku dhamaado guul’’ Sidaasi waxaa yiri Cali Macow Nuur oo ah ganacsade Soonaali ah oo ka qeybgalay shirkaasi.

Mudane Cali Macow Nuur oo ah ganacsade islamarkaana ah gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Guwanzu ayaa kulanka kadib sheegay in shirkaasi uu ahmiyad gaar ah u lahaa horumarinta ganacsigooda iyo maalgelinta mashaariicda magaalada Ninsha.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in shirkaasi looga hadlay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka ay hodan ka ku yihiin wadamada shirkadihii ka soo qeybgalay kulankaasi oo ka dhacay magaalada Ninsha ee dalka Shiinaha.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com