Human Rights Watch Oo Uga Digtay Kenya Dhibaateynta Soomaalida Ku Nool Kenya.

0

Human-Rights-WatchNew York (AGGM): Warbixin ay soo saartay hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch  ayaa looga digay dowladda Kenya in ay dhibaato u gaysato Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka kenya gaar ahaan Shacabka ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Iyadoo ka hadashay dhacadadii todobaad hore ee lagu weeraray suuqa loo Westgate mall ayeey sheegty in ay ka dambeeyeen ururka Alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya waxayna hay’adu sheegtay in laga yaabo in siyaasiyiinta iyo shacabka kenya sameeyaan Aargoosi ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Nairobi.

Hay’ada ayaa bayaankeeda ku sheegtay in mar walba laga fili karo shacab kenya  inay dhibaateeyaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas sidii dhacday sanadkii 2012-kii oo ay dad ka caraysnaa weerar lagu qaaday gudaha dalka Kenya ay weeraro iyo dhac u gaysteen goobo ganacsi oo ku yaala xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Human Rights Watch  ayaa dowladda Kenya ka codsatay uguna Baaqday in ay la hadasho Siyaasiyiinta dalkaas waxayna Hay’adu sheegtay inay siyaasiyiintu jeedin karaan hadalo kicin kara Shacabka reer Kenya, ayna markaas ka dib bilaaban karaan Rabshado ku baaha dhamaan dalka Kenya.

Hay’ada udooda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa dowlada Kenya ugu Baaqday inay difaacaan shacabka kala duawan ee Muslinka ah ee ku sugan gudaha dalka Kenya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com