Dowlada Kenya Oo Sheegtay Iney Kaalin Weyn Ka Qaadandoonto La Dagaalanka argagixisada Shabaab

0

Kenya Defence Force soldiers patrol Tabda village near the Kenya-Somalia borderNairobi(AGGM) Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday iney kaalin weyn ka geysan doonto dagaalka lagu soo afjarayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,  ayadoo dowladda Kenya ay ciidammadeeda qeyb ka yihiin ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Josef Olelenku oo ah wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee dowlada Kenya ayaa u  sheegey wakaalada waraarka ee Reuters n n ay sii wadi doonaan gulufka colaadeed ee lagu soo afjarayo  kooxda Shabaab  ‘’waxaanu aadenay in aanu ka hortagno khataraha shabaab kamana laba labayn doono la dagaalanka shabaab’’ ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arimaha gudaha.

Kooxda Shabaab ayaa ku hanjabatay in ay weeraro hor leh ka gaysadoonaan Kenya haddii ciidankeeda aysan Soomaaliya ka bixin taasi oo u muuqata mid aan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aamada lagula dagaalamayo Shabaab.

Dhanka kale dowlada Kenya ayaa sheegty inay sii hayndoonto ilaa Sided ruux oo lagu tuhmayo in ay ka qeyb qaateen werarkii ka dhacay Westgate ee Nairobi kuwaasi oo hataan baaritaano ay ku socdaan.

Ugu dambeyntii hadalka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha  ee dowlada Kenya ayaa ka dambeyeey kadib markii dhawaan kooxda Shabaab ay weerar ku qaadeen suuqa lagu magacaabo Westgate ee magaalada Nairobi,  waxaana ma’suuliyiinta dowlada Kenya ay xuseen in aanay dhegna jalaq u siindooniin dalabka argagixsada Shabaab ee ahaa in Kenya ciidankeda ay kala baxdo Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com