Dhageyso: Joodax Shacabku Waa Inay Amaanka Nagala Shaqeeyaan

0

warsame-joodax2Muqdisho(AGGM) Warsame Maxamed Axmed ” Warsame Joodax” oo ah gudoomiyaha dhinaca amaanka gobolka banadir ayaa daaha ka qaaday in shacabka Magaalada Muqdisho ama gobolka banadir looga fadhiyo inay dawlada kala shaqeeyaan dhinaca amaanka,waxaana uu sheegay in shacabku wax badan ka qaban karaan amaan darradda hadii ay dawladooda la shaqeeyaan.

Sidoo kale Warsame Joodax waxaa uu daboolka ka qaaday inay dawladu meel kasta taagneyn balse shacabku ay joogaan meel walba isla markaasna la socon karaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay wadaan kooxda Argagixisada ah ee Alshabab,waxaana uu sheegay inay laamaha amaanka soo wargelin karaan si looga hortago dhibaatada Alshabab.

Joodax waxay uu baaq u jeediyey shacabka ku dhaqan degmooyinka Magaalada Muqdisho,waxaana uu shaaciyey in dadkaasi looga fadhiyo inay ilaalashadaan amaankoodda isla markaasna gacan buuxda siiyaan ciidamada amaanka si looga hortago weerarada ay shacabka ku xasuuqayaan kooxda Alshabaab

Ugu dambeyntii Warsame Joodax waxaa uu daboolka ka qaaday in dawladnimadu tahay shacabka,waxaana uu sheegay in shacabku arki karaan wax kasta oo ay samenayaan Alshabaab ay la socon karaan,waxaana uu ugu baaqay shacabka inaysan ka aamusin talaabooyinkaasi.

Dhageyso

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-WARSAME-JOODAX.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com