Danjiraha Somaliland oo la Kulmay Masuuliyiin ka tirsan dawladda Sweden Iyo Midowga Yurub

0

danjire-300x223Sweden(AGGM) Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalka Sweden marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa kulamo la yeelatay xildhibaanno iyo wasiirro isugu jira baarlamaanka dalka Sweden iyo Midowga Yurub.

Kulamadaas oo safiirka uu ku wehelinayay guddoomiyaha jaaliyadda reer Somaliland ee magaalada Brussels Aadan Xasan ayaa ugu horayn waxay la kulmeen xildhibaan Olle Schimdt oo ka tirsan baarlamanka Yurub, una qaabilsan qaybta Afrika, xubinna ka ah African Caribbean Pacific, isla markaana ka soo jeeda dalka Sweden, kulaankaas waxay safiirku uga warrantay xildhibaanka horumarka siyaasadda dimuqraadiyadda ay ku tallaabsatay Somaliland iyo sidi looga caawin lahaa aqoonsiga siyaasaddeed ee caalamiga ah, loogana taageeri lahaa dhinaca dhaqaalaha. Waxa kale oo marwo Rooda kala hadashay madaxdaas sababta Somaliland aanay marnaba uga qaybgalayn shirka dalka Soomaaliya ay dawldaha Yurub ugu qaaban-qaabinayaan sidii ay dhaqaale ugu ururin lahaayeen xukuumaddaas.

Marwo Rooda oo dhawaan ku soo qortay mid ka mid ah joornaalada ka soo baxa uguna waaweyn wadanka Sweden waxay Somaliland uga qayb qaadan wayday shirkii Soomaalida ee Brussels.

Kulankan ayaa ka mid ahaa kulamo ay safiirku hore ula yeelatay wasiiro ka tirsan xukuumadda dalka Sweden, iyadoo ay hore u kulmeen wasiiradda ururka midowga Yurub u qaabilsan dalka Sweden Hon Birgitta Ohlson, halkaasoo ay kaga wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya siyaasadda mandaqadda iyo sidii dawladda Sweden uga caawin lahayd Somaliland dhinaca aqoonsiga iyo deeqaha.

Marwo Rooda oo uu wehelinayo guddoomiyaha jaalliyadda magaalada Brussels oo kulankaas ku matalayay Somaliland iyo madaxdii ka tirsanaa dalka Sweden ayaa u ballamay shirar dambe inay dib isugu arkaan.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com

danjire1-300x223danjire-300x223