Booliiska Magaalada Mandheera Oo Bilaabay Howlgal Dad Badan Lagu Soo Xir Xiray.

0

mandera1Mandera (AGGM): Ciidamada nabad-galyada dalka Kenya ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay howlgal dad badan lagu soo xir xiry ka sameeyeen degmada Mandheera ee gobolka Soomaalida dagto ee dalka Kenya, kadib weerar labo haheen ka hor  kooxo hubeysan ku qaadeen saldhig ku yaala degmada.

Ciiidamada ayaa howlgalka ka wada xaafadaha degmada Mandheera,waxaana la soo sheegayaa in ciidamadu ay dad badan xabsiyada dhigeen halka ay dadka qaarne si xun u jirdileen.

Ciidamada ayaa sheegay in ay guryaha magaalada Mandheera ka baadi goobayaan kooxdii weerarka culus ku qaaday xarunta ciidamadu ay ku lahaayeen magaaladaasi,waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqay ciidamada Kenya iney joojiyaan tacadiyada ka baxsan aadaninimada ee ay ku hayaan shacabka aan waxba galabsan ee ku dhaqan magaalada Mandheera.

Ciidamada amniga dalka Kenya ayaa Soomaalida Kenyanka ah dhibaatooyin kula dhaqaaqay markii weerar lagu qaado xarumahooda,xaalada amni ee magaalada Mandheera ayaa la sheegayaa iney kasii darayso waxaana lasoo sheegayaa in xalay gudaha magaalada laga maqlay rasaas fara badan,lama oga waxa ay rasaastaasi ahayd mana jirto cid ka tirsan booliska dalkaas oo ka hadashay arintaasi.

Dadka ku dhaqan degmada Mandheera ayaa waxaa soo food saartay cabsi darran iyaga oo ka baqaya dhibaato uga timaada howlgalka ciidamada ay ka wadaan degmada iyo in loo wax yeeleeyo ka mid ahaanshaha kooxaha falalka amaan darro geystay.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com