War Deg Deg Ah: Afar Kamid Ahayd Ilaalada Gen. Fartaag Oo Ay Ka Xeeysteen Maleeshiyo Beeleedka Raaskambooni.

0

Breaking-NewsKismaayo (AGGM): Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in afar kamid ahayd ilaalada Gen. Fartaag ay ka xeeysteen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in afartan kamidka ahayd ilaalada Gen. Fartaag ay ka xeeysteen maleeshiyo uu horkacayay Ciise Kaambooni oo uu dhawaan horjoogaha maleeshiyada Axmed Madoobe u magacaabay horjoogaha amaanka maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Horjooge Ciise Kaambooni ayaa horey uga tirsanaa Maxakamadihi Islaamiga, Xisbul Islaam waxuuna gacan saar weeyn la leeyahay dowladda Eritrea, waxa uuna in muda ah kamid ahaa qaswadayaashi u adeegayay dowladda Eritrea unna soo dhiibi jirtay lacagaha loo qeeybinayo maleeshiyaadka xagjirka ah.

Ciise Kaambooni ayaa waxa uu sidoo kale xabsiga magaalada kala baxay allaha u naxariistee marxuum Saciid Ilmadoow iyo dad kale oo farabadan oo lagu laayay magaalada kismaayo.

Waxaa illaa hadda la ogeeyn afartan nin ee kamidka ahayd  ilallada Gen. Fartaag halka ay la aadeen maleeshiyo beeleedka Raaskambooni.

Isku soo wada duuboo xasuuqa ka socda magaalada Kismaayo ayaa ilaa hadda waxaan ka hadlin amaba ka danqan dadka beel ahaanta loogu geesanayo, dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com