Raisalwasaare Saacid Oo Kulamo La Qaatay Madaxda Dalka Turkiga

0

9918498844_1f61568509_bTurkey(AGGM) Raisalwasaaraha dowladda Soomaaliya mudane Cabdi Farax Shirdoon Saacid oo booqasho ku jooga dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Turkiga,  isaga oo dowladda iyo Shacabka Turkiga ku amaanay taagerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Booqashada R/wasaaraha Soomaaliya iyo wefdigiisa ay ku joogaan Dalka Turkigga ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii uu casuumaad rasmi ah uu ka helay dhiggiisa dalka Turkigga Racep Dayib Ordegan, waxaana wefdiga R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faraax Shirdoon”Saacid” ay kulamo laqaateen mas’uuliyiinta dalka Turkigga,  iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii sidii Dowladda Turkigga ay u sii wadi laheyd taageerada ay Soomaaliya siiso.

R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa uu sheegay in booqashada uu iminka ku joogo dalka Turkiga ay qeyb ka tahay talaabooyinka lagu xoojinayo xirirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga isla markaana Dowladda ay tahay saaxiib weyn oo siisa Soomaaliya taageero dhan kasta leh.

Wafdiga Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ee jooga dalka Turkigga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Garsoorka Cabdulahi Abyan Nuur , wasiirka hormarinta adeega Bulshada Drs.  Maryan Qaasim Axmed  iyo mas’uuliyiin kale oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ra’iisulwasaraha Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon inta uu ku suganayahay Dalka Turkiga  waxaa uu la kulmi doonaa mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Turkiga.

Booqashada taariikhiga ah ee uu ku joogo dalka Turkiga Ra’iisulwasaraha Soomaaliya ayaa ah tii ugu horeyay ee uu ku tago dalka Turkiga tan iyo markii uu noqday Ra’iisulwasaraha Soomaaliya sanadkii hore, waxaana Dowladda Turkigga ay gudaha Soomaaliya ka wadaa mashaariic kala duwan sida dib u dhiska wadooyinka badan ee Muqdisho ku yaala iyo goobo kale oo muhiim ah.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com