Dhageyso: Odayaasha Beesha Ceyr Oo Hanjabaad Kulul U Jeediyey Dawlada Federaalka Ah

0

xasan_daahirMuqdisho(AGGM) Odayaasha ka soo jeeda Beesha Cayr ee habargidir ayaa digniin  culus u jeediyey dawlada federaalka ah ee soomaaliya,waxaana digniintaasi tahay mid ay ka soo saareen xarigga Shiikh Xasan Daahir Aways. Odayaashu waxay daboolka ka qaadeenjn inaysan u dul qaadan doonin taalabada dawladu kula dhaqmayso Shiik Xasan Daahir.

Waxgaradka Beesha Ceyr waxay daboolka ka qaadeen in hadii dawladu sii deyn waydo Shiikh Xasan Daahir in xaaladu gaari doonto meel xun oo halis ah isla markaasan ay talaabo ku haboon qaadayaan,waxaana ay sheegeen in dawladu si sharci darro ah u haysto Shiikh Xasan Daahir Aways.

Sidoo kale waxay sheegeen waxgaradkan in Shiikh Xasan Dahir Aweys uu iskiisu dawlada isugu soo dhiibay isla markaasna aysan dawladu wax dagaal ah ku qaban,waxaana ay shaaciyeen in dawladu si qaldan u haystaan Shiikh Xasan Daahir oo magangalyo dawlada isugu soo dhiibay.

Ugu dambeyntii waxay sheegeen waxgaradkan in hadii uu Xasan Daahir uu xabsiga ku sii jiro in xaaladu gaari doono meel halis ah isla markaasna uu dhici karro dagaal culus oo dhexmara dawlada iyo Beesha uu ka soo jeeda Shiikh Xasan Daahir,waxayna daboolka ka qaadeen inaysan u dul qaadan doonin inuu xabsi ku soo jiro Shiikh Xasan Daahir.

[ca_audio url=”http://rajonews.com/wp-content/uploads/2013/09/DHAGEYSO-ODAYAASHA-BEESHA-XASAN-UU-KASOO-JEEDO.mp3″ width=”500″ height=”27″ css_class=”codeart-google-mp3-player” autoplay=”false”]

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com