Booliska Soomaaliya Oo La Wada Geeynayo Gobollada Dalka.

0

booliska soomaaliyaMuqdisho (AGGM): Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in gobollada dalka oo dhan la gayn doono ciidamo boolis ah oo qalab ku filan haysta si ay u sugaan ammaanka.

Taliyaha hoggaanka saadka ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay ku dedaalayaan sidii loo tayeyn lahaa ciidamada.

Wuxa kale oo uu xaqiijiyay inay gobollada dalka geyn doonaan gaadiidka ciidamada booliska, si meesha looga saaro baahida ay ciidamadu u qabaan gaadiidka.

Taliyaha oo ku sugan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada booliska AMISOM ee dhowaan la geeyay Beledweyne ay si toos ah ula shaqeyn doonaan booliska Soomaaliyeed, ilaa inta ay dowladdu isku filnaansho ka gaarayso.

Shalay waxaa Beledweyne booqasho ku tagay wafdi uu hoggaaminayo taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Cabdixakiin Daahir Saciid.

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com